Calaamadaha Qofka Xaasidka Ah!

0
  1. Wuxuu mar kasta u muuqdaa qof madluum ah halka isaga uu yahay Daalim wax xasdaya,
  2. Wuu murugoonayaa marka uu arko qofki uu xasdayay oo faraxsan,
  3. Waxaa u siyaadaya oo wajigiisa ka muuqanaya caro marki uu maqlo qofki uu xasdayay oo Wanaag samaynaya, Guul gaaray, Nabad ka shaqeynaya,
  4. Wuxuu mar kasta isku dayaa inuu kooxaysi sameeyo, dad badan ku diro oo nacsiiyo qofkaa uu xasdayo, hadana Ciil baa qabta marki ay u shaqeyn waayaan ayna fur-furmaan xargo kasta uu xiray,
  5. Ma rumaysna Raalina kuma aha Qadarta Alle waayo wuxuu qof uga xun yahay oo ku xasdayaa nimco uu Alle siiyay sida Magac, Mansab, Maal, Maskax, Muuqaal, iwm,
  6. Kolki uu qofkaa ka hadlo fikrad wanaagsan ama waxqabad fiican sheego wuxuu qofka xasadka ah la soo boodaa inuu si kale u dhigo, dhinac kale u rogo, wax aan jirin ama macno samaynayn ka dhigo waayo ma xamili karo inuu sii dhageysto,
  7. Wuxuu mar kasta raadiyaa sidi qofkaa uu xasdayo jab ugu dhici lahaa balse Alle ayaa qofki u fura Albaabo cusub, qofki xaasidka ahaana ka xira albaabo.
  8. Wuxuu qofka xaasidka ah mar kasta caayaa qofkaa uu xasdayo, wuxuu u raadiyaa ceeb iyo cillad hadana isaga uun ayaa ah qof ciriiri ku nool.

Ma ogtahay in:
Dambigi ugu horeeyay Ilaahay lagu caasiyay xagga Samada uu ahaa Xasad! waana Ibliis oo xasday Aadam diidayna inuu u Sujuudo.
Dambigi ugu horeeyay oo Ilaahay lagu caasiyay Dhulka marki la joogayna uu ahaa Xasad, waana wiilki Nabi Aadam markuu Xasday walaalkiis ka dibna dilay.
Xasidka sidaa ayuu u culus yahay oo u yahay dambi weyn.

Haddaba;
Ka fogow, iska ilaali xaasidnimada. Marnaba ha xasdin qof, qoys, qabiil ama qawmiyad. Ku farax wax kasta oo wanaag xagooda ah si adigana Alle kuu siiyo Nimco iyo barako.
Qofka la xasadayana waa inuu ka fogaadaa Dambi, Alle u towbad keenaa, Sadaqada badiyaa, cafiyaa cid kasta, wanaagana falaa.

W/Q: Farah Cawaash Beeldaaje