Taariikhdu Isma Qariso – Cadho Ka Taagan Sida Barcelona Ula Dhaqantay Arthur Melo Iyo Xusuusta Siday Halyeeyadii Reer Brazil Uga Baxeen Camp Nou

0

Taageerayaasha kooxda kubadda cagta waddanka Spain ee Barcelona ayaa cadho xoog leh ka muujiyey qaabka maamulka kooxda Barcelona u maaraynayo qaddiyadda la xidhiidha bixitaanka xiddiga khadka dhexe ee xulka qaranka Brazil iyo kooxda reer Catalan Arthur Melo.

Golaha ay ku midoobeen Xidhiidhka taageerayaasha kooxda kubadda cagta waddanka Spain ee Barcelona waxa lagu baahiyay qoraal kooban oo lagu muujiyay sida aqlabiyadda taageerayaasha kooxdu uga xun yihiin in Arthur Melo uu kooxda ka baxo, taa badalkeedana kooxda la keeno halyeyga khadka dhexe ee xulka qaranka Bosnia iyo kooxda Juventus Miralem Pjanić oo ay maamulka kooxda Barcelona ku rabaan in ay heshiis isku baddalasho iyo lacag ah ay ku helaan.

“Tani maaha wax loo dul qaadan karo. Miralem Pjanić waa laacib wanaagsan, balse waxa uu ku jiraa sannadihii ugu dambeeyey ee uu garoomada ka xoogsanayo, waana nin wakhtigiisa intii ugu wanaagsanayd ku soo qaatay kooxaha Lyon iyo Juventus. Ma filayo in uu wax badan ku soo kordhin doono kooxda Barcelona. Waan ka xumahay in kooxda laga dirayo Arthur Melo oo Mustaqbal weyn ku lahaan lahaa kooxdan. Haa, shaki igagama jirin in uu ahaa nin Mustaqbal weyn ku leh Camp Nou, balse nasiib darro taasi may garan maamulka kooxdu. Haddii ay sidan uun lacag uga fekerayaan waa nasiib darro” sidaa waxa yidhi Juan Dosero oo ka mid ah maamulka sare ee xidhiidhka taageerayaasha kooxda Barcelona.

Shalay ayay soo baxeen warar rasmi ah oo sheegaya in masuuliyiinta sare ee kooxda Barcelona doonayaan in ay maamulka kooxda Juventus kala heshiiyaan dhammays tirka wada xaajood lagula kala wareego xiddigaha Melo iyo Pjanic.

“Juventus waxa ay diyaar u tahay in ay tallaabo hore ugu qaado doonista ka timid Barcelona” ayaa lagu yidhi qoraal kooban oo ay arrintan kaga hadleen maamulka kooxda reer Talyaani.

Illaa imika si dhammays tiran looma oga halka ay xaaladdani ku dambayn doonto balse waxa ay qaar ka mid ah faallo qorayaasha kubadda cagta ee Brazil iyo Barcelona xaaladdan ku xidhiidhiyeen qaabab ay hore kooxda Barcelona uga baxeen xiddigo caan ahaa oo kooxda soo maray oo u dhashay waddanka Brazil, laga soo bilaabo Romario, Ronaldo, Rivaldo, Ronaldinho, Neymar iyo Dani Alves oo la sheegay in ay dhammaantood ku baxeen dareen cadho leh iyo iyaga oo aan ku faraxsanayn qaabka ay maamulka kooxdu ula dhaqmeen, si kasta oo ay kooxda xirfaddooda ugu hibeeyeen guulona la gaadheen, waana dareen hoose oo soo jiitamayay in muddo ah.

Fernando Socinha oo Tifaftire sare ka ah wargeyska Brazil Foot waxa uu yidhi: “Arthur Melo waa xiddig da’ yar oo maskax furan. Waxa uu doonayay in uu taariikh ku sameeyo kooxda Barcelona. Nasiib darro fursaddaasi maay siin maamulka kooxdu. Qaabka uu u baxayaa waa mid walaac leh oo saamayn karta xiddig kasta oo Brazilian ah oo u soo hanqal taagaya Camp Nou”.

Arthur Henrique Ramos de Oliveira Melo oo 23 Jir ah ayaa ka soo jeeda deegaanka Goiânia ee dalka Brazil waxaanu sannadkii 2018 kooxda Barcelona uga soo wareegay kooxda reer Brazil ee Gremio.


HARGEISADAILY.COM/HARGEISA OFFICE