Kaalinta Ay Madowgu Ku Lahaayeen Taariikhda Islaamka: Wada Xaajoodka, dagaalka iyo aqoonta (Q:1)

0

Sannadkii 1948 kii, wiil madow ah oo lagu magacaabi jiray George McLaurin ayaa ku biiray jaamacadda Oklahoma ee dalka Maraykanka. Waxa uu ahaa ardaygii ugu horreeyey ee Afrikaan madow ahaa ee jaamacaddaas gala.

Jaamacaddu waa ay ogolayd in ay arday madow ahi wax ka bartaan, laakiin waxa ay ku dhaqmi jirtay shuruucda midabtakoorka ee waxbarashada ku kala saaraya ardayda caddaanka ah iyo kuwa madowga ah. Inkasta oo uu guulaystay halgankiisa ahaa in uu waxbarashada la wadaago caddaanka, haddana taasi ardayda kalama ay mid dhigin. Waxa uu lahaa suuli u gaar ah, iyo goob gaar ah oo uu ka fadhiisto maqaaxida ardaydu ka cuntayso, xitaa marka fasalka waxbarashada lagu jiro, miiska iyo kursigu waxa ay u yaalleen meel ka soocan ardayda kale ee caddaanka ah, loomana ogolayn in uu dhexgalo ama wax la wadaago.

Calool xumada uu George ka qaaday habdhaqankani waxa uu sabab u noqday uu calanka u qaado halgankii ay aqoonyahanku kala hor yimaaddeen in midabtakoorku uu waxbarashada dhexgalo. Tan iyo bilowgii taariikhda Maraykanka illaa maanta oo ay u dambaysay dhacdadii rabshadaha kicisay ee bilayska Maraykanku uu neef-qabataynta ku dilay George Floyd oo ahaa madow, dhibaaatada midabtakoorku waa ay ka jirtaa Maraykanka, mana aha mushkilad u gaar ah iyo arrin cusub ee waa dhaqan soojireen ka ah dunida galbeedka, inkasta oo uu qaybo badan oo ka mid ah ka dabargo’ay.

Arrintani waxa ay innagu abuuraysaa in aynu su’aal iska weydiinno sida uu dhaqankani ka dhex ahaa muslimiinta, gaar ahaan intii ay jireen dawladahoodii awoodda badnaa. Aynu dib u noqonno boqollaal sano iyo gobalka Makah Almukarama, oo ay soo martay taariikhda xilligii dawladihii Bani Umaya in dadka xajka yimaadda amar lagu siiyo in aanay fatwada shareecada iyo arrimaha xajka la xidhiidha aanay ka qaadan cid aan ahayn Cadaa’ Bin Abi Rabaax.

Cadaa’ bin Abi Rabaax waxa uu ahaan jiray addoon madow oo ay haysato gabadh reer Maka ahayd, laakiin ugu dambayntii waxa uu noqday caalami aqoon dheer u leh shareecada oo lagu naanayso ‘Mudanaha Fiqiga ee gobalka Xijaaz’ waxa aanu ka mid ahaa macallimiintii cilmiga shareecada ay ka qaateen laba wiil oo ka mid ah carruurta khaliifkii Umawiyiinta Sulaymaan Bin Cabdalmalik.

Asxaabigii weynaa ee Bilaal Bin Rabaax Al-Xabashi oo isaguna ahaa madow asalkiisu ka soo jeedo dhulka Xabashida, ayaa ka mid ahaa astaamaha tusaalaha u ah sida uu islaamku uga fogyahay midab takoorka. Marka laga tago in uu ka mid ahaa raggii ugu dhowaa Nebi Muxamed (SCW) iyo asxaabtiisa sida oo kale waxa uu aad uga agdhow talana ku lahaa hoggaamiyeyaashii Nebiga dabadii talada muslimiinta qabtay. Waxa aanay taariikhdu illaawin kaalintii uu ku lahaa wada xaajoodkii muslimiinta iyo Roomaaniyiinta ee sannadkii 13-naad ee Hijriyada, xilligii la go’doomiyey Falastiin.

Waxa xaajoodkaasi waxa uu waqtigaas bog cusub u furay aragtidii yasmada ahayd ee laga haystay addoontii hore iyo dadka madowga ah. arrinta yaabka noqotayna waxa ay ahayd in wadaxaajoodkaas uu muslimiinta metelayey Bilaal Bin Abi Rabaax, halka dhinaca kalana uu metelayey wiilka uu dhalay boqorkii Roomaaniyiinta, isla markaana ka mid ahaa wadaadkii ugu weynaa dhinaca masiixiyadda.

Xilligii ay muslimiintu la wareegayeen gacan ku haynta gobalka loo yaqaanno Shaam oo ahayd 207-dii Hijriyada, hoggaamiyihii Roomaaniyiinta Falaafiyuus Hiraqal, ayaa u yeedhay wadaad Masiixiyiinta magac weyn ku dhex lahaa, loogana dambayn jiray cilmiga diintooda. Waxa uu ergo ugu diray muslimiinta oo uu ka dalbady in ay iska soo saaraan qofkooda ugu cod karsan uguna dhiirran.

Baadarigii markii uu muslimiinta u yimi ee warkii hoggaamiyihiisu soo faray uu gaadhsiiyey, ayaa intii aanu hadlin taliyihii watay ciidanka muslimiinta oo ahaa asxaabigii Camar Bin Al-Caas waxa soo dhaqaaqay Bilaab Bin Rabaax oo ka codsaday in isaga laga dhigo qofka wada xaajoodkaas muslimiinta ku hoggaaminaya. Camar bin Caas waa uu aqbalay dalabkii Bilaal, waa aanu kula dardaarmay in hadalka aanu la gabban, jawaabta su’aalaha la weydiiyana si faseex ah uga jawaabo, shareecada Islaamkana weyneeyo.

Baadarigii ergada ahaa waa uu ka biyo diiday in Bilaal uu wada xaajoodka u metelo muslimiinta, isaga oo cadhaysan ayaanu yidhi, “Waa ay ina xaqireen, wada xaajood ayaa aynu ugu baaqnay, markaasay inoo soo direen koodii ugu liitay, si ay inoogu muujiyaan xaqiraad” kaddib waxa uu ku jeestay Bilaal oo uu ku yidhi, “Addoonoow, ninkii ku lahaa u tag oo u sheeg in boqorku uu doono amiir idinka mid ah si uu ugala hadlo arrinta uu rabo” Bilaal si kalsooni leh ayaa uu baadarigii ugu jawaabay, “Anigu waxa aan ahay Bilaal, adeegihii Rasuulkii Alle (SCW) iyo mu’addinkiisii, wax dhib ahina igama hortaagna in aan u jawaabo amiirkiina” Baadarigii oo aan weli ku qancin ayaa arrintii gaadhsiiyey Amiirkiisii, kaddib farriinta lagu soo celiyey Bilaal waxa ay noqotay, “Boqorkayagu waxa uu kuu sheegayaa in aanay karaamadiisa ahayn in uu addoomaha la hadlo, sidaas awgeed ha soo dira ninka ciidankiina haysta, ama amiirkii idin soo diray”

Kaalinta madowgu ku lahaa Islaamku waa ay badnayd, waa aynaan illaawi Karin kaalintii ay ka qaateen dagaalada, waxaa ka mkd ahaa dagaalkii Badar ee dhacay sannadkii labaad ee Hijriyada, oo asxaabigii Mahjac oo Islaamka ka hor addoon ahaan jiray uu ahaa qofkii ugu horreeyey ee ku shahiiday.

Waxa kale oo jiray asxaabigii Almiqdaad bin Al-Aswad oo ahaa nin madow ah, waxa uu ahaa asxaabiga keliya ee faras ku dagaal galay maalintii Badar. Waxa aana lagu naanaysi jiray faras fuulka Rasuulka (SCW).

Mar kale oo ahayd xilligii ay muslimiintu qabsanayeen dhulka Masar, ayaa hoggaamihii masiixiyiintu uu dalbaday in loo soo diro nin muslimiinta metelaya oo uu wada hadal la furo. Markanna Camar Bin Alcaas waxa uu soo xulay asxaabi madow ahaa oo lagu magacaabi jiray Cubaadaha Bin Saamit Al-Khasraji.

Hoggaamiyihii Kiristaanku markii uu arkay ergeyga madowga ah ee loo soo diray aad ayaa uu uga xumaaday, waxa aanu muslimiintii ku yidhi, “Iga duwa ninkan madowga ah, oo cid kale oo ila hadasha soo saara” Laakiin muslimiintii ayaa mar keliya ku wada dhawaaqay, “Ninkan madow ayaa noogu aragti fiican, nooguna cilmi badan. Waa sayidkayaga iyo ninka noogu khayrka badan, ereygiisa iyo amarkiisa ayaana ah waxa ugu dambeeya ee aanu dhammaantayo ku talo qaadanayno”

Hoggaamiyihii Masiixiyiinta oo yaabban ayaa mar kale muslimiinta weydiiyey, “Sidee ay ku dhacday in nin madow ahi uu kiina ugu wanaagsan noqdo, halkii ay ka ahayd in uu idinku liito” Muslimiintu waxa ay u sheegeen in midabku aanu ahayn xikmadda ruux lagu doorbidayo, waxa aanu ku qasbanaaday in uu aqbalo in wada xaajoodka uu la galo Al-Miqdaad, isaga oo aad uga xun una arka in la xaqiray, ereyada uu ku yidhina ay ka mid ahaayeen, “Bal kaalay ninka madowoow, oo si dhibirsan ila hadal” La soco…