Frank Lampard Oo Ka Hadlay Dhaawac Soo Gaadhay Xiddig Muhiim U Ah Chelsea

0
SPORTS(HARGEISADAILY)—Tababaraha Chelsea, Frank Lampard ayaa filaya in aanu muddo badan garoomada ka maqnaan doonin xiddiga kooxdiisa ee Christian Pulisic oo dhaawac looga saaray ciyaartii ay Axaddii 1-0 kaga adkaadeen Leicester City ee ay ugu gudbeen semi-finalka FA Cup.
Pulisic ayaa lagu beddelay Ruben Loftus-Cheek qaybtii labaad, kaddib markii uu muruqa ka dareemay dhaawac, balse sida  uu tababare Lampard xaqiijiyey, 21 jirkan Maraykanka ah ayaan la hubin haddii uu kulanka West Ham ee Arbacada uu qayb ka noqon karayo.
“Christian wuxuu giigsanaan ka dareemay muruqa waqtigii fasaxa labaad ee biyo cabbista, waxaanan ku rajo weynahay in aanu noqon doonin mid bannaanka u saara.” Ayuu yidhi Lampard oo sidoo kale xaqiijiyey in difaaca Andreas Christensen uu dhaawac soo gaadhay Sabtidii.
Chelsea waxay tagtay Semi-finalka FA Cup oo ay la ciyaari doonto Manchester United badhtamaha bisha July, laakiin Lampard waxa uu qirsan yahay in kooxdiisu aanay soo bandhigin ciyaartii laga filayay kulankii Leicester, waxaanu yidhi: “Natiijadu waa mid aanu ku qanacsanahay oo aanu ugu gudubnay semi-finalka, balse maanta (shalay) maanaan ahayn nafihii caadiga ahaa ee aanu ahayn.
“Waxaanu ka hoosaynay wixii aanu caadiyan soo bandhigi jiray, laakiin natiijada ayaan ku faraxsanahay. Ciyaarta waanu guuleysanay, waana inaanu wax ka barano qaladaadkii aanu ka samaynay ciyaarta.”
Lampard waxa uu sheegay in hankiisu yahay inay ku guuleystaan kulamada uga hadhay horyaalka Premier League si ay booskooda Champions League ee xili ciyaareedka dambe u helaan, sidoo kalena ay koobka FA Cup diiradda saari doonaan.

HARGEISADAILY.COM/SPORTS