Eden Hazard Oo Laga Saaray Kulanka Real Madrid Ay Wajaheyso Getafe & Sababta Oo La Shaaciyay – Akhirso Liiska Dhameystiran Ee Xiddigaha Los Blancos

0

Tababare Zinedine Zidane ayaana ka baqeynin inuu go’aan weyn qaato isagoo mar kale sidaas sameeyay ka hor kulanka ay Real Madrid la ciyaareyso kooxda Getafe habeen danbe oo Khamiis ah.

Eden Hazard ayaa la nasasiin doonaa ciyaarta soo socota iyadoo Lucas Vazquez iyo Luka Jovic lagu soo daray liiska ciyaartoyda wajaheysa Getafe.

 

Zidane ayaa taxadar weyn ka muujiyay xaalada xiddiga garabka ka ciyaara ee reer Belgium, isagoo feejignaan ka muujinaya inuusan dhaawacmin inta ka harsan xilli ciyaareedkan.

Xilli ciyaareedkii ugu horeeyay ee Eden Hazard ee Real Madrid waxaa hareeyay dhaawacyo.

Iyadoo Hazard uu maqan yahay, Vinicius Jr ayaa la filayaa inuu ku soo bilowdo kulanka Getafe.

Go’aanka kale ee weyn ee uu qaadan doono tababare Zidane waa khadka dhexe isagoo kala dooran doonta haddii uu sii ciyaarsiinayo Isco ama haddii uu soo celinayo Modrid.

Liiska Xiddigaha Real Madrid ee wajahaya Getafe:

Courtois, Areola, Altube, Carvajal, Militão, Ramos, Varane, Marcelo, Mendy, Kroos, Modric, Casemiro, Valverde, James, Isco, Benzema, Bale, Lucas Vázquez, Jovic, Asensio, Brahim, Mariano, Vinicius Jr. iyo Rodrygo.