Kenya oo tijaabineysa in dhiigga cad lagu daweyn karo Covid-19

0
Kenya ayaa saareysa qaab u oggolaanaya khubarrada inay baaritaan ku sameeyaan haddii bukaannada roon ee Covid-19 lagu daweyn karo unugyada dhiigga cad oo laga soo qaaday bukaannada ka bogsaday xanuunka.
Dadka ka badbaaday Covid-19 waxay leeyihiin unugyada dhiigga cad, waa qeynta dareeraha ah ee dhiigga waxaana ku jira waxyaabo difaac wata oo loo adeegsado la dagaallanka caabuqa.
Caalamka, waxaa jira meelo badan oo dhiigga cad ee dadka bogsaday lagu tijaabinayo haddii lagu daweyn karo xanuunka.
Koofur Afrika ayaa sidoo kale arrintan tijaabineysa.