Hadaba, maxaa la filayaa, sheegashada Trump ka dib?

0
Doorashada Mareykanka 2020

Weli lama hayo jawaabaha ku saabsan qofka noqon doono madaxweynaha soo socda ee Mareykanka. Arrimaha suuragalka ah waxaa ka mid ah:

Lama ogaan karo maalmaha ay qaadan doonto: Waa arrin dhici karta in maalmo ay qaadato, maadaama dagaalka uu u wareegi doono codadkii boostada lagu soo diray ee aan weli la tirin ee sida gobollada Michigan, Wisconsin iyo Pennsylvania.

Qareenno ayaa kaalin ku yeelan kara: Donald Trump wuxuuba horey ugu hanjabay in uu dacwad geyn doono Maxakamadda Sare. Taas waxay dhallin kartaa in natiijada ay qaadato isbuucyo.

Hubaal la’aanta ma keeni kartaa qalalaase?: Waxay u badan tahay in xaalad hubaal la’aan ah ay dhacdo, balse, inkastoo dadka Mareykanka ay ka hadleen walaaca ay qabaan, haddana xilligan lagama sii hadli karo in ay jiraan arrimo sababi kara qalalaase.