Afar Qof ayaa ku Dhimatay Wareerar ka Dhaqay Xaruunta Kongareeska Maraykanka.

0

Haweeney ayaa lagu soo warramayaa in lagu toogtay weerarkii lagu qaaday dhismaha Capitol ee magaalada Washington, kaddibna dhaawac soo gaaray ay u geeriyootay. Sidoo kale saddex qof oo kale ayaa la sheegay inay ku dhinteen weerarkaas, kuwaasoo kala ahaa haweeney iyo labo nin.

Ugu yaraan 14 ka tirsan booliiska ayaa sidoo kale la sheegay inay dhaawacmeen. Labo ka mid ah ayaa isbitaalka loola cararay, midkood ayaa dhaawac culus qabay kaddib markii ay dibadbaxayaasha dhulka ku jiideen.

Taageerayaasha rabshadaha wata ee madaxweyne Donald Trump ayaa jabiyay xarunta loo yaqaan ‘Capitol’ ee magaalada Washington, iyadoo xildhibaanada ay kulmeen si ay u xaqiijiyaan in madaxweynaha la doortay Joe Biden uu ku guuleystay doorashada