Aqalgalkii Doollo Qaybtii 1aad WQ Amal M M Kastam

0

Aqal galkii Daalo

Waa badhtamaha bisha abril, xilligan dhulku waa barwaaqo oo meel walba cagaar baa qariyay iyo xareed galac leh oo godan kasta jiifta. Waa duni qurux badan saacaddan iyo goobtan. Waa Weris iyo Warsame waxay fadhiyaan qarka buurta Daalo, cagahooduna hoos bay ugu laalaadaan xaga laaga, waxay daawanayaan bilicda buurta, iyagoo isku tilmaamaya oo Warsame farta ku fiiqayo buurta rabshiga iyo baddan ka sarraysa, daruuruhuna hoos jiraan. Waa tan Weris mar keliya inta ay gacantiisii hoos u soo jiiday oo meel kale ku fiiqday oo hoostooda ah leh halkan miyaad garanaysaa Warsame?

Isagoon hadal ba ka soo bixin ayay Weris raacisay waa goobtii laga gooyay geedkii mooliga ahaa ee noolaha oo idil baroordiiqdiisu kulmisay. Halkaas bay qadar aamusnaan ah iyana ugu baroordiiqeen geedkii.

Waxaa dhacaysa laydh yar oo qabaw oo kolba dhinac u babinaysa timaha Weris oo marba indhaha iyo afka ka galaya taas oo Warsame na marba kor ugu qaadayo timaha wajigeeda isagoo diidan in ay ka qariyaan indhaheeda uu jecelyahay , waxay isu daawanayaan sidii laba qof oo aan waayo badan kulmin wax badanna sii wada joogaynin, laabta ayay iskaga jiraan oo waxay iska dugaashanayaan dhaxanta jirta, dhanka kalena waxa aad moodaa in kulayl gudahooda ka baxaya ay hab siintoodu qaboojinayso oo inyarna isma sii daynayaan.
Dhinaca kalena cimiladan magaalada oo ay ku cusubyihihiin iyo caynada deegaanka ayay la ashqaraar sanyihiin.

Warsame oo ku dhaygagsan gacalisadiisa Weris ayaa si kadisa u waydiiyay ” horta gacaliso ma habboontahay in aynu dib u xusuusano waayihii iyo wacdarihii aynu ka soo marnay jacaylkeena?”, Weris oo warka gacaliyaheeda xiisanaysa ayaa ku hal-celisay ” haa gacaliye, ma jirto meel kaga qurux badan iyo maalin ka qiimo badan oo aynu dib u milicsan lahayn qisadii nolosheena”

Halkaana waxa ka bilaabmay xusuus dheer oo ku saabsan waayihii noloshooda.
Dabadeed waxa ay maskaxdoodu jartay xawaare dheer oo dib u noqosho ah.

Saddex sanno ka hor bishii julaay oo lagu jiro fasaxi xagaaga, ayay Weris iyo Warsame is barteen, is barashadooda malaa waxa sabab u ahaa, waxay ahaayeen isku hiwaayad, labadooduba waxay si tabaruca uga shaqayn jireen arrimaha bulshada oo ay isku xil-qaameen, Warsame wuxuu ahaa suxufi u adeega dadka danyarta ah oo codkiisa ugu hiiliya, halka Warisna ay ahayd gabadh wax ka qorta tacadiyada ka dhanka ah bini aadantimada sida: kufsiga, waxbarasho la’aanta, carruurta iwm.

Baraha bulshada oo aynu naqaan in maanta ay duni sideeda u jirta noqdeen oo dadku ku wada xidhiidho, isku bartaan, kuna doodaan ayaa ahayd goobtuu xidhiidhkoodu ka hanaqaaday, gaar ahaan barta bulashada ee Facebook.
Taas oo ku timi fariin uu bilowgii Warsame usoo diray Weris, fariintas oo ahayd bogaadin, dhiirigelin iyo hambalyo isku jirta, laguna soo qoray ereyo iyo hadalo soo jiitay dareenka Weris.

Taas oo ay markii dambe ee ay is barteen ku sifayn doonto in ay ahayd fariintii loo soo diray abid ee sidaa usoo jiidata. Waa bartaa halka xidhiidhkoodu ka anba baxay ee uu dunida iyo duruufaha kunka nooca ah u dhex jibaaxay.

Waxa ay noqdeen laba qof oo habeen iyo maalin ba fariimo is waydaarsada isna xidhiidhiya, walaw xidhiidhkoodu uu ku bilawday walaalnimo iyo asxaabtimimo, haddana waxa jiray dareen dabiici ah oo isku soo jiidaya! Kolkol bay is waydiin jireen sababta ay isku deegaan u jecelyihiin, isku dookh u yihiin, dabeecadaha qaarna uga simanyihiin, waxay u wada hadli jireen si aan kala go’o lahayn, hadalo isku mid ah bay isku tuur tuuri jireen, sidoo kalena waxay xiisayn jireen akhriska buuggaagta iyo daawashada filimaanta.

Dareenadaa badan ee ay ka simanyihihiin iyo dunida gaarka ah ee ay dhex tagaan daqiiqadaha ay sheekaysanayaan ayaa keentay inay noqdaan laba ruux oo isku kal furan, is aaminsan, una wada sheekaysta si daacada! Ma jirto daacadnimo ka wayn marka aad qof udhiibto sirahaaga oo idil, ceebahaaga aanad kala xishoon, sidoo kalena aad kalsooni iyo farxad ku dareento wax kasta oo aad la wadaagaysid, sheekooyinka qaar micno daro ah oo dadku kugu la yaabayaan soo hadal qaadkooda ayaa iyagu isku sheegi jireen oo ku wada qosli jireen, dhacdooyinka qaarna way ku wada ilmayn jireen, waana sababta ay ugu maleeyeen inay ka wada yimaadeen caalamul arwaax una rumaysanyihiin in ruuxdoodu kulantay ka hor jiritaankii adduunyada.

Muddo markii ay asxaab ahaayeen Weris iyo Warsame ee maalin kasta ay is kaga soo dhawaanayaan intii hore, ayuu Warsame u soo bandhigay jacayl Weris. Weris laftarkeeda dareenkan rabitaanku kama maqna, balse waa marwo oo dhawaan bay la aqal gashay wiil oo aroos loo tumay. Warka kali ah ee ay Weris ka qarisay Warsame wuxuu ahaa aqal galkeeda iyo inay guri leedahay. Uga ma ay qarin inay khiyaamayso, uga ma ay qarin kalsooni daro ay ka qabto, uga ma ay qarin inay xumayso, laakiin waxay ugu sheegi wayday si ay u ilaaliso qalbigiisa, jacaylka ay u qabto ayaa keenay in ayna awood u lahayn inay u sheegto wax kasta oo ay is leedahay waa ku dhib oo maqalkiisa dhagiisa ayaan ku raaxaysanayn ama aragooda indhihiisa ayaanuu raali galinayn. Waa dareen kulayl iyo kadeed wata kolka aad qofka dadka kuugu dhaw ka qarinayso run xun oo aad ogtahay inuusan u riyaaqi doonin.

Weris jawaab buu Warsame ka sugayaa, iyaduna waxay la ilmanaysaa xaqiiqada ay riyadu ka qurux badantahay ee nolosheedu ku dhisantahay. Waxay Warsame ka codsatay inuu bil ka war sugo, waxayna u sheegtay in hawlo qoyska ku soo kordhay awgood ay mashquul gali doonto, bishaasi waxay ahayd bil inkaaran, ugu yaraana aan duco qabin, Weris waxay soddonkan cisho weheshan jirtay heesaha calaacalka iyo catawga ah ee ka warramaya ciilka iyo xanuunka caashaqa, waxay nafta ku dhaydaa heesaha Dhuule, Gacayte iyo Khadra sidii oo aad moodo in ay oomataba ka dhigatay ama dawo dhakhtar usoo qoray.

Waxay is waydiinaysay labadan mid ka ay doorato: inay Warsame jacaylka la wado si dhuumasho ah oo maalintuu ogaadana ay ku noqoto dhaawac culus oo aan dhamaanayn iyo inay immika u sheegto runta oo ay ka dhursugto dharaaraha bal in wakhtigu mar is bedelo..

Bishaa oo dhan Warsame wuxuu Waris waydiin jiray inay jawaab u hayso, saacad saacad buu u su’aali jiray oo sugitaanka ayaa la dheeraa, iyadoo immika u sheegtay in aanay wali gaadhin wakhtigii ay balameen ayuu haddana is arki jiray isagoo dib u waydiinaya, mararka qaarna wuxuu ka yara xanaaqi jiray sababta ay dib ugu dhigayso, laakiin waa cadho aan ka badnayn dhawr sikin. Waydiintan aan dhamaadka lahayni Waris waxa ay ku tahay maddane caddaaday oo lagu gubayo jidhkeeda xanuunka iyo naxdinta ay ku hayaan darteed.

Sidaas oo ay tahay bishii Warsame sannadka uga dhignayd Werisna sikimada la ahayd dhamaatay. Waxa la gaadhay wakhtigii ballanta ee jawaabta la iska sugayay, Weris na waxa ay go’aansatay inay Warsame wacdo oo ay runta u dhiibto, maadaama oo uu in badan si xamaasadaysan u sugayay:
Way soo wacday iyadoo gariiraysa oo telifoonka dirqi ku haysa oo aad moodo ilme macallin quraan dhangad la hortaaganyahay oo xalay seexday isagoon qaybin quraanka saakana laga dhegaysanyo. Waxayna tidhi

” Warsame saaxiib waa la joogaa maalintii waynayd ee qiimiga lahayd, waxaynu joognaa wakhtigii aynu ku ballanay inaynu warka kala qaadano, waxaan doonayaa inaan kula wadaago waxa gubaya laabtayda, weedh sheegmadeeda horteed waaxyahayga oo idil la xanuunsadeen, maskaxdu la wareertay, ilmadan waawayn ee iga socotaa waa astaanta runnimada iyo qoto dheerida uu xambaarsanyahay hadalka aan kuu soo wadaa, Warsame waan kula wadayaa jacaylka, kula ma waddayo uun ee aniguna waan ku jeclahay si xad dhaafa, balse waxaan ahay xaas, waxa I qaba nin, waxaan kuugu sheegi waayay si aanan u waxyeelayn farxadaada, una wiiqin xidhiidkeena ee I dareen oo si waafiya ii fahan”.

La Soco

Amal Kastam