Aqal Galkii Daalo WQ Amal MM Kastam

0

Aqal Galkii Daalo!
Qaybtii 2aad

Warsame oo awelba maalmaha iyo mirirada tirinayay oo ogaa in ay tahay maalintii uu sugayay inta badan ayaa laba ilbidhiqsi oo is xiga midna farxad samadaa loola baxay iyo kala badbadasho midna naxdin iyo amakaag. Isagoo fiigsan buu hubsaday in qofka uu la hadlayaa ay tahay ” Weris “, Wallaahi waa iyada waayo wuxuu lambarkeeda ku qortay ” Rajeda “, haddana sidii qof aan waxba fahmin buu ugu yidhi Weris ” maxaad tidhi qaali? hagaag kuuma maqlayne”, Weris intii oo aan midh iska bedelin bay ugu celisay, Warsame markan waa u rumawday in hadalkan uu ka soo baxay Weris, ilmo kulul oo aan ka amar qaadan baa mar qudha indhihiisa ka soo dareertay oo dhabannadiisa sii durdurisay ilaa ay ku daadatay laabtiisa oo ahayd halka uu ka dareemayo damqashada ugu daran.

Warsame hadal waa tahli waayay oo ereyadii Weris baa firfircoonidii iyo tamartiiba ka laastay, isagoo talo ku guracantahay buu taleefankii ku damay oo bilaa dab ka noqday, mawjado fikir ah oo laba dhacaya ayuu ku tagay Norway oo ahayd halka ay laydha iyo neecawda udgoonka badani ka soo gaadhi jirtay ee iminka farxadda iyo dhiilada mataanaha ahi uga yimaadeen, waa halka ay joogto Weris, wuxuu naftiisa ku canaanayay halkuu ku maqnaa intii Weris la guursanayay, wuxuu ka qoomamoonayay noloshiisa qasaaraha ah, waxa uuna isku habaarayay ” Allow aad iska dhimataa kol haddii Weris nin qayrkaa ah ay hoy la joogto”, Warsame socod aan u qorshaysnayn buu kaga baxay gurigii, wuu maahsanyahay oo isma oga wuxuuna miyirkiisii ku dhex lumay mawjada fikirkiisa ee xaaladdan uu ku suganyahay, kadibna wuxuu u dhaqaaqay dhinaca bannaanka, wuxuu dhex gooyay saddex waddo isagoon is ogayn, mar qudha wuxuu maqlay hoonka baabuurtaa iyo dad ku soo xoomay goobta, waxa uu yaalaa dhulka isagoo aan nuuxsanayn.

Warsame wuxuu ku soo baraarugay isagoo jiifa goob ka duwan qolkiisi, kolkuu hareeraha eegay wuxuu arkay shaqaale u heelan oo si jajaban ugu adeegaya naftiisana daryeelaya, wuxuu ahaa dhaawac fudud, niyadiisa wanaagsan baa markiiba uu ku aqbalay shilka, muu qabin dhaawacyo culus, jug fudud buu ahaa dhaawaciisu oo gaadhi baa turuska ku dhuftay aanse jiidhin. Wuxuu Alle uga mahadceliyay badbaadadiisa, waxa uu iswaydiinayaa sidii uu guriga kaga soo baxay iyo sida uu shilka ku galay, haddana maskaxdiisu waxba way ka xasuusan wayday. Intaa kadib wuxuu ku tashaday in uu noloshiisa ka saaro quusta, wuxuu isagoo xaalkaas ku jira ka werweri jiray hadday Weris ogaato shilkan sida ay dareemi doonto, muu rabin in ay maqasho dhaawiciisa oo ay murugooto.

Waris taleefankii Warsame ayay ku xiiqday, mirirkiiba waxay soo wici jirtay malaayiin jeer, mana uu dhacayn, dareenkeeda ayaa u soo tabiyay in Warsame aanuu ku jirin xaalad nabdoon, waxay ka xumayd jawaabtii ay siisay, waxaanay nafteeda ku ciqaabaysay ” adigaa balaayadan keenay ee maxaad ugu sheegtay warkan aad dhagaha u roonayn, rajadana dilaya”

Waris maalmo adag bay gashay, murugo aan inyarna qalbiqeeda faaruqinayn baa ku soo faruurantay, habeenkii waa u oohin, maalintii waa u walbahaar, il bidhiqsi walba waxa hor taagan maalmihii quruxda badnaa ee ay la soo qaadatay Warsame, ninkeedii iyo gurigeediiba way ilawday oo waxba ugu ma filna, marmar ka qaar ayuu saygeedu waydiiyaa waxa ka qaldan, balse qaylo ayay kala hor tagtaa. Ilayn dareenka qarsoodiga ah ee aan cidna lala qaybsan karini waa dilaa, Weris qof qudha way ku dhici wayday inay qisadeeda u sheegto oo waxay ogtahay in lagu odhan doono ” waad dhimantahay, waad waalantahay, qofka ugu dabacsanina uu odhan doono reerkaaga dhaqo oo is dhuub”, iyada laftarkeedu waxay la yaabantahay xaaladan la yaabka ah.

Weris waxa ay nafteeda kula faqaysaa
“Ehelkaaga iyo saaxiibadaa maaha dad jacaylka wax ka garanaya, maaha dad diyaar u ah in ay maqlaan arrintan.
Maaha xitaa dad garawshiiyo aad ka heli karto, tolow miyaan maqlin Jacaylkii Suleekha ku dhacay iyadoo marwo ah? Haddana waxa ay isugu caqli celinaysaa saw Suleekha ba lalama yaabin? Yeelko haddana aakhirkii waa tii ay nabi Yuusuf is guursadeen” intaas dambe ayaa ay tamar ka dhigatay.

Waxayna go’aansatay inay dhakhtarka ku soo booqato Warsame. Tanni ma adkayn maadaama Warsame wariye caan ah ahaa, baraha bulshada ayay si fudud xogtiisa uga heshay, waxayna heshay mid kamida saaxiibadiisa dhakhtarka la jooga oo ay la xidhiidhay. Si degdega ayay Waris u soo goosatay tikidh, waxayna doonatay farxadeedii, jacaylkeedii, saaxiibkeed ama jeexeedii kale. Socdaal bay ka gashay Norway ilaa Dubay oo ah halkuu Warsame degganaa, intay diyaarada saarnayd oo dhan waxay dareemaysay farxad iyo naxdin isku lamaan, waxay dherersanaysay saacadihii koobnaa ee socdaalka ay ku jirtay oo sannado uga dhignaa, diyaaradii markay garoonka Dubay ay cago dhigatay ayaa Weris laydh caafimaad ugu horaysay, carafta hawada ay soo gashay ayaa saaqday oo warsame ay ka urunisayaa, hadda waa meel kulaylka iyo huurka aad moodayso in cadaabtii ku neefsatay, haddana waxaas iyadu ma dareensana oo duni kale ayuu xiskeedu joogaa, caashaqa ayaa malaha u sabab ah inay moodo in neef cusub ay qaadanayso, markiiba waxay aaday dhakhtatkii oo ay taksi u kiraysatay, Kolkii horeba xog dhamaystiran ayay sii uruurisay oo helidiisu wakhti kuma qaadan.

Waris markii ay soo gashay qolkii Warsame waa la aamusiin waayay, hadal waa laga waayay, ereygay is tidhaahdo dhehba wuxuu ahaa ilmo. Wali ma gashay xaalad dareenkeeda aad ereyo ku cabbiri kari wayday? Waa sidaa xaalku, Warsame wuu u qaadan waayay in Weris uu arkayo, ninkii xanuunsanayayba maaha ee wuu soo saro kacay, laabtiisa ayuu Weris galiyay isago gacantiisa ilmada kaga tiraya, wuxuu ka dhunkanayay madaxa isagoo ku leh hadalo niyada qaboojinaya.

La soco..