Baanka Dhexe Ee Somaliland Ayaa shaqo Siiyay Gabadh Yar Oo Dhawaan Muqaal Laga Duubay

0

Hargeisa Daily

Baanka dhexe ee Somaliland ayaa shaaciyay in shaqaalaysiiyeen gabadh yar oo dhawaan muuqaal laga duubay iyada Oo guri ka shaqaynaysa .

Qoraalkan ayay Bartooda ku baahiyeen:-

“Madaxda Sare ee Baanka Dhexe ee JSL, markii ay arkeen muuqaalka lagu baahiyay barraha bulshadda ee ku saabsan gabadha yar ee gacanta ku xidhan calanka JSL, taas oo ay muuqatay ku xadgudub xuquuqiyaadka aasaasiga ah ee gabadha yar, isla markaana ay arkeen duruufaha ku gadaaman qoyska gabadha yar;

Waxaa uu Guddoomiyaha Baanku Go’aamiyay in gabadhaas yar laga shaqaalaysiiyo Baanka Dhexe ee JSL”